MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Arbacadii shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, Kalfadhiga 8-aad, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Golaha, korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qaabaynta ajandayaasha iyo hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga, iyo sidii loo xoojin lahaa gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiyada Aqalka Sare. Waxaa kulanka goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).
Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa soo jeediyay talooyin ku saabsan habraacyada korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka, iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Guddiyada ee gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay soo jeediyeen xubnaha Guddiga, isla markaana la dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay ilaalinta waqtiga shaqada iyo soo xaadirista xubnaha Golaha, isagoo sheegay in ay muhiim u yihiin in waajibaadka loo igmaday loo guto si hufan, masuuliyad leh oo waafaqsan shaqada Baarlamaanka.



