Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Daah-furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka daah-furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya, oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

Bandhigga ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal ka tirsan bulshada caasimadda, iyadoo lagu soo bandhigay fursadaha iyo goobaha dalxiiska ee Soomaaliya, iyo guud ahaan khayraadka dalxiis ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca dalxiiska ah, kuwaas oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tari karaan kobaca dhaqaalaha iyo kordhinta dakhliga dalka, haddii la helo kaabayaal ku habboon, shaqaale aqoon iyo xirfad leh iyo adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale bogaadiyay ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maalgashiga ku sameeyay dalxiiska, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhanka xeebaha, oo uu sheegay inay ka mid yihiin meelaha ay ku jiraan fursadaha ugu waaweyn ee dalxiiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku taabtay arrimaha qaranimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo ka hadlay warqad uu sheegay in siyaasi Soomaaliyeed u gudbiyay Qaramada Midoobay, taas oo uu ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo dhaawac ku ah qaranimada iyo midnimada dalka.

“Midnimadu waa tiirka adag oo la’aantii aysan ummadi taagnaan karin, kaas oo ka sarreeya khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha jiri kara xilliyada qaar. Haddii midnimo la waayo, waxaa beylah loo noqonayaa cadaw. Midnimadeennu waa dhaxal jiilba jiil usoo dhiibayay, loona hurey naf iyo maal,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here