Xoghayaha Aqalka Sare oo Ka Qaybgalay Shirka Xoghayeyaasha Baarlamaannada Afrika

0

MIDRAND, Koonfur Afrika – Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa ka qaybgalay Shirka 7-aad ee Sannadlaha ah ee Ururka Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika, kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Midrand ee Koonfur Afrika, xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika.

 

Shirka oo diiradda lagu saarayo casriyeynta hay’adaha baarlamaannada ayaa sanadkan halkudhiggiisu yahay: “Xoojinta Tallaabada Baarlamaannada ee Hirgelinta Wax-ku-oolka ah ee Heshiisyada Midowga Afrika iyo Mudnaanta Ajendaha 2063.”

Shirka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeynayaa sidii xoghayeyaasha baarlamaannadu u casriyeyn lahaayeen habraacyada shaqadooda, ugana jawaabi lahaayeen baahiyaha isbeddelaya ee hay’adaha iyo hoggaamintooda.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika, Mudane Dr. Fateh Boutbig, kaas oo khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in maamullada baarlamaannadu ay laf-dhabar u yihiin joogteynta iyo wax-ku-oolnimada hay’adaha dimoqraadiyadeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in iskaashiga baarlamaannadu uu si weyn ugu tiirsan yahay xiriirrada hay’adeed ee isku xira xoghayeyaasha guud ee baarlamaannada. Ka qaybgalka Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee madashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka, iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha u dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sharci-dejinta ee qaaradda Afrika.

Dadaalladan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta iyo casriyeynta maamulka baarlamaanka, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo kuwa kale ee qaaradda.May be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here