Balanballe, Galmudug – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ay wehliyaan Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Towfiiq.
Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ku soo kormeeray cutubyo cusub oo tababar ku qaadanaya dugsiga, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka NISA.
Ciidamadan ayaa loo diyaarinayaa inay ka qeyb qaataan howlaha sugidda amniga iyo xoojinta nabadda ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay laga waday dadaallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ku baaqay in beelaha deegaanka ay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo heshiisyada iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qofkii qof dila lala tiigsan doono sharciga, isagoo faray hay’adaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ku kacda falal dil ah, si loo ilaaliyo amniga iyo nabadgelyada bulshada.




