Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Dalladda Carabta ee Hay’adaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka (ANNHRI) ayaa magaalada Muqdisho si wadajir ah uga furay aqoon-is-weydaarsi soconaya muddo saddex maalmood ah.
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu falanqeynayaa Mabaadi’da Caalamiga ah ee Paris, xeerarka iyo mabaadi’da xuquuqul insaanka, heshiisyada iyo habraacyada caalamiga ah, qabashada iyo maaraynta cabashooyinka, baaritaanka xadgudubyada xuquuqul insaanka, kormeerka xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo, iyo diiwaangelinta dhacdooyinka la xiriira xuquuqul insaanka.
Furitaanka aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka hadashay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim Axmed, oo uga mahadcelisay hay’adda UNDP iyo Dalladda Carabta taageerada iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin Guddiga, iyo kaalinta ay ka qaateen qabsoomidda aqoon-is-weydaarsigan.
Waxaa sidoo kale ka hadlay Mudane Sultan Bin Hassan Aljamali, Xoghayaha Guud ee Dalladda Carabta ee Hay’adaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Qaranka ee Xuquuqul Insaanka Qatar, iyo Evariste Sibomana, oo ah Madaxa Barnaamijyada Dowlad-wanaagga ee UNDP Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ayaa soo dhaweeyay wada-shaqaynta ay la leeyihiin Guddiga, iyagoo tilmaamay doorka aqoon-is-weydaarsigan uu ka qaadan karo horumarinta hawlaha Guddiga. Waxay sidoo kale bogaadiyeen dadaallada Guddiga ee ku aaddan ilaalinta, horumarinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka Soomaaliya.




