Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la-xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray waxqabadka wasaarad kasta iyo heerka laga gaaray qorshayaashii iyo ballanqaadyadii loo dejiyay.
Qiimeyntan ayaa lagu eegay shaqooyinkii qabsoomay intii lagu jiray sanadkan, caqabadihii jiray, fursadaha jira iyo meelaha u baahan in wax laga beddelo ama la dardargeliyo.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa qeyb ka ah nidaamka la-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyadoo muhiimad la siinayo in qorshayaasha Wasaaradda lagu fuliyo hannaan leh cabbir cad, isla-xisaabtan iyo natiijooyin la xaqiijin karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirrada, Agaasimeyaasha Guud iyo hawlwadeennada farsamada kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqada qaranka, si loo gaaro hadafyada dowladda, loona kordhiyo adeegyada iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in nidaamka qiimeynta waxqabadka dowladda la sii horumarinayo, iyadoo la adeegsanayo hab dijitaal ah oo fududeynaya la-socodka qorshayaasha, cabbiridda natiijooyinka iyo qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa muhiimad gaar ah siinaysa qorsheynta, la-xisaabtanka iyo cabbiridda waxqabadka, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo mashaariicda Wasaaraddu ay keenaan natiijooyin muuqda oo waafaqsan qorshaha dowladda iyo danta guud.





