Muqdisho: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qasim, ayaa maanta xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho ku qaabishay Wakiilka cusub ee Joogtada ah ee Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga iyo UNDP Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta hay’adda, kobcinta awoodda shaqo, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta hannaannada la-socodka xuquuqul insaanka, diyaarinta warbixinnada iyo maaraynta cabashooyinka.
Wakiilka UNDP, Mudane Christophoros Politis, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay taageeridda Guddiga, si uu u noqdo hay’ad xooggan oo madax-bannaan, awoodna u leh inay si wax-ku-ool ah ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah xubnaha Guddiga, Agaasimaha Guud ee Guddiga iyo la-taliyayaal, ayaa labada dhinac waxay isku raaceen in la sii ambaqaado iskaashi muddo-dheer socon doona, kaas oo lagu xoojinayo waxqabadka Guddiga laguna taageerayo gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee Guddiga.





