Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sannadkan kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu horreyn hambalyo u diray Hooyo Safiya, isagoo ku ammaanay dadaalka, dulqaadka iyo halganka ay u gashay barbaarinta iyo waxbarashada wiilkeeda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Hooyo Safiya ay kaalinta koowaad kaga jirto hooyooyinka Soomaaliyeed, halka wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir uu kaalinta koowaad ka galay ardayda Soomaaliyeed, taas oo uu ku tilmaamay guul ka dhalatay dadaalka labada dhinac.
“Haddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan ma aha. Runtii, waxa aad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya. Waxaan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta koowaad uga horreysay. Taasi waxay caddeynaysaa sida ay waalidku ugu dadaalaan ubadkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso waxbarashada iyo barbaarinta carruurta, isagoo tilmaamay in horumar waara lagu gaari karo aqoon iyo xirfado tayo leh oo la siiyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Hooyo Safiya ku abaalmariyey shaqo rasmi ah oo ay ka mid noqonayso dowladda, isaga oo ku tilmaamay abaalmarin lagu maamuusayo kaalinta qiimaha badan ee hooyonimo iyo dadaalka ay u gashay waxbarashada wiilkeeda.
Sidoo kale, Maxamed Ciise Daahir oo kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ayaa lagu abaalmariyey waxbarasho ay dowladda Soomaaliya si buuxda u maalgelinayso, iyadoo loo oggolaanayo inuu waxbarashadiisa ka sii wato goobta uu isagu doorto.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ardayda Soomaaliyeed iyo waalidiinta door weyn ka qaata waxbarashada iyo horumarinta jiilka cusub.




