Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta waajibaadka AfCFTA iyo kaalinta uu heshiisku ka qaadanayo xaqiijinta himilooyinka Midowga Afrika ee Ajandaha 2063.
Xoghayaha Guud ee AfCFTA, Wamkele Mene, ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay heerka hirgelinta heshiiska iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo is-dhexgalka dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka Afrika.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta qaab-dhismeedka AfCFTA, iyadoo Soomaaliya ay horey u ansixisay heshiiska.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha uu AfCFTA u abuurayo ganacsiga, maalgashiga iyo is-dhexgalka dhaqaale ee qaaradda Afrika.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ay la leedahay dalalka Afrika, iyadoo AfCFTA loo arko fursad muhiim ah oo lagu ballaarin karo suuqyada, maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.




