Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir-guddoomiyay guddiga qaran ee xirfadaha iyo shaqo-abuurka

0

MUQDISHO, 23 Agoosto 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, iyadoo dowladda ay doonayso in la dardargeliyo dadaallada lagu kobcinayo xirfadaha dhallinyarada iyo abuurista shaqooyin waara.

 

Kulanka oo shalay ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha mudnaanta u leh guddiga iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin wax-ku-ool ah oo taageera horumarinta xirfadaha, shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaabilsan arrimaha shaqo-abuurka ayaa kulanka ku soo bandhigay waajibaadka guddiga, hannaanka qaran ee isku-dubbaridka horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee la doonayo in la fuliyo.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale soo bandhigtay Siyaasadda Barashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha, taas oo lagu doonayo in lagu dhiso xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka loo baahan yahay in loo wajaho hannaan qaran oo mideysan, si loo mideeyo dadaallada dowladda, dowlad-goboleedyada, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la isku xiro xirfadaha, baahida suuqa shaqada, maalgashiga iyo fursadaha shaqo.

Ujeeddada dowladda ayaa ah in dadaallada iyo maalgashiyada kala duwan ee ka socda dalka loo beddelo natiijooyin la cabbiri karo, oo horseeda shaqaale xirfad leh, shaqooyin waara iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha ku tilmaantay arrimo muhiim u ah yareynta shaqo la’aanta iyo in dhallinyarada loo abuuro fursado dhaqaale oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here