MUQDISHO, 24 Agoosto 2026 — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, iyagoo ka wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee dalka iyo diyaar-garowga saameynta ka dhalan karta ifafaalaha El Niño.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha SoDMA ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo is-xogwareysi ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan maareynta musiibooyinka, gurmadka xaaladaha degdegga ah iyo diyaar-garowga khataraha la xiriira isbeddelka cimilada.
Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, ayaa bogaadiyay dadaallada ay SoDMA ugu jirto ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka, sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda.
Politis ayaa sidoo kale caddeeyay sida UNDP uga go’an tahay inay taageerto dadaallada Soomaaliya ee wax looga qabanayo xaaladaha bani’aadantinimo iyo xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
SoDMA ayaa xilligan wada dadaallo lagu xoojinayo diyaar-garowga dalka, iyadoo la eegayo saadaasha iyo digniinaha la xiriira saameynta El Niño iyo khataraha ka dhalan kara roobab xooggan iyo fatahaado.
Soomaaliya ayaa si joogto ah ugu nugul musiibooyinka la xiriira cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha, kuwaas oo saameeya nolosha bulshada, sababa barakac iyo kordhiya baahiyaha bani’aadantinimo.
Kulanka SoDMA iyo UNDP ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ay kordhinayaan iskaashiga ku aaddan ka hortagga musiibooyinka, diyaar-garowga iyo jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah si loo yareeyo saameynta musiibooyinka iyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.



