Ra’iisul wasaare Xamza oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka sameeyey Wasaaradda Qorshaynta , Maalgashiga iyo Horumarinta  howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Machadka Qorsheynta, Istatistikada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka iyo Dhismaha Hey’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, isaga oo daah-furay hoolka cusub ee Wasaaradda iyo hey’adda Istaatistikada Qaran oo loo bixiyey Nuur Weheliye.

Dhismeyaasha la dhagax-dhigay oo qeyb ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dalka iyo horumarka la hiigsanayo, isagoo ku bogaadiyey Wasaaradda hirgelinta barmaamijka casriyeynta dowladnimada oo muhiim u ah dalkeenna, kaas oo horseedaya isbeddel la taaban karo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here