Mas’uul hore oo loo xiray Shabaabnimo kadib markii uu kasoo dagay garoonka

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda.

 

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley isaga Khawaarijta kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen  Magaalada Muqdisho.

Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Khawaarijta ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Khawaarijta ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.

NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa Khawaarijta waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here