Rooble oo la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradaha Dekadaha & Gaadiidka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Rooble ayaa hay’adaha amniga faray in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Gaadiidka xamuulka ee dekada ka sooqaada badeecooyinka ayaa sababa jaam iyo cirriiri dhanka jidadka ah waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here