Rooble oo wasiirka amniga uga tacsiyeeyay geerida Hooyadii Xabiiba

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka geeridii ku timid Hooyadii marxuumad Xabiiba Cariif Weydow oo saaka Muqdisho ku geeriyootay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hooyadiis marxuumad Xabiiba Cariif Weydow ku geeriyootay Muqdisho. Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryayaaa in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelada iyo qaraabadana Samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here