Xijaar oo kormeeray halka lagu qabanayo doorashada gobolada waqooyi

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Xijaar ayaa sidoo kale kormeer midkaan la mid ah ku tagay dugsiga tababarka Booliiska ee General Kaahiye halkaas oo lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gobollada Woqooyi isagoo u kuur galaya qaabka sarreya ee loo sugayo amniga goobta.

Kormeerka taliyaha ayaa qeyb ka ah dardar galinta howlaha amniga doorashooyinka ee Boolisku u xil-saaran yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here