Saciid Deni oo musharrixiin gaar ah u xiray lixda kursi ee ku hartay Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Guddiga SEIT ee Puntland ayaa soo saaray liiska musharixiinta buuxiyey shuruudaha ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ee ku harsan maamulkaasi.

Kuraasta loo tartamayo ayaa kala ah HOP#221, HOP#129, HOP#191, HOP#198, HOP#073 iyo HOP#199, waxaana kuraastan loo xiray shaqsiyaad gaar ah oo ay ka mid yihiin:-

1-HOP#221: waxaa kursigan si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir) oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF.

2-HOP#129: waxaa markale loo xiray kursigaan Xildhibaan Sacdiya Salaad oo horay ugu fadhiday.

3-HOP#191: Sidoo kale waxaa kursigaan si gaar ah loogu xiray Eng. Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato)

4-HOP#198: Cismaan Cali Yuusuf Cali ayaa loo xiray kursigaan, waana Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland

5-HOP#073: Kursigaan waxaa loo xiray Maxamed Cabdullaahi Keyse.

6-HOP#199: Waxaa si gaar ah loogu xiray Cabdiladiif Muuse Nuur oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here