NEW YORK, Mareykanka — Sacuudi Carabiya, Qatar, Turkiga, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kulan ku saabsan Soomaaliya ku yeeshay magaalada New York, kaas oo ka dhacay xilli ay socoto Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Ka qeybgalayaasha ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarradii ugu dambeeyay ee dalka, iyagoo sidoo kale isla eegay hababka lagu taageeri karo dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida dalka.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya laga taageero wax ka qabashada caqabadaha amni, dhaqaale iyo bani’aadannimo ee ay wajahdo.
Kulanka ayaa ka dhacay xilli ay magaalada New York ka socoto toddobaadka heerka sare ee Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo isu keenay madaxda iyo saraakiisha sare ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Shirarka iyo kulamada socda toddobaadkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo caalami iyo kuwo goboleed, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka arrimaha amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka looga hadlayo.




