Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Amni ka Sameeyay Shabeellaha Hoose

0

Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 27-aad iyo 17-aad ee Ciidanka Dhulka, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Sabiid, Caanoole iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa ka hortagay falal ay kooxaha argagixisadu isku dayaan inay dhibaato ku gaarsiiyaan shacabka, gaar ahaan dadka beeraleyda ah ee ku nool deegaannadaas, kuwaas oo la sheegay in kooxahaasi ay isku dayaan inay si dhuumaaleysi ah uga qaadaan baad.

Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa baaritaanno miinooyin ka sameeyay waddooyinka isku xira deegaannada howlgalka laga sameeyay, si looga hortago miinooyinka ay kooxda Al-Shabaabku aasaan waddooyinka, kuwaas oo khatar ku ah shacabka isticmaala.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah nolosha iyo amniga bulshada.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here