Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Nairobi ku Qabatay Munaasabad Lagu Xusay 66-guurada Xorriyadda Gobollada Waqooyi

0

Nairobi, Kenya –  Munaasabadda oo ka dhacday xaafadda Islii ayaa waxaa soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo kaashanaysa Guddiga Ganacsatada Islii iyo shacabka ku dhaqan dalka Kenya, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya, diblomaasiyiin, hoggaamiyeyaal bulshada Soomaaliyeed, ganacsato, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

Munaasabadda ayaa lagu maamuusay 66-guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeysigii Ingiriiska 26-kii Juun 1960, xilligaas oo calanka Soomaaliyeed markii ugu horreysay laga taagay magaalada Hargeysa, taasoo ahayd bilowgii himilada mideynta ummadda Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo munaasabadda khudbad dheer ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay leedahay xorriyadda iyo muhiimadda ay leedahay midnimada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in halgankii gobannimada lagu kasbaday uu ahaa mid lagu bixiyay naf iyo maal, loona baahan yahay in jiilasha maanta ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.

Danjiraha Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa sheegay in xuska 26-ka Juun uusan ahayn oo keliya maalin lagu xuso taariikh, balse uu yahay maalin dib loogu milicsado halgankii xorriyadda iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed.

“Midnimada ummadda Soomaaliyeed waa tiirka ugu weyn ee lagu gaari karo nabad, horumar iyo dowladnimo waarta. Waxaa waajib nagu wada ah inaan ilaalinno qarannimadeenna, xoojinna wadajirkeenna, isla markaana jiilasha cusub ku barbaarinno jacaylka dalkooda iyo qiimaha xorriyadda,” ayuu yiri Danjiraha.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Safaaradda Soomaaliya ay si rasmi ah u daah-furtay Toddobaadka Xorriyadda, isagoo sheegay in laga bilaabo 26-ka Juun illaa 1-da Luulyo xarunta KICC lagu qaban doono bandhigyo lagu soo bandhigayo ganacsiga, hidaha, dhaqanka, taariikhda iyo horumarka Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibbada Soomaaliya inay si weyn uga soo qaybgalaan bandhigyadan, si aan wadajir ugu muujinno quruxda dhaqankeenna, midnimadeenna iyo horumarka dalkeenna,” ayuu yiri Danjiraha.

Dhanka kale masuuliyiin ka socotay Dowladda Kenya, madaxda bulshada Soomaaliyeed iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qayb gashay munaasabadda ayaa si weyn ugu ammaanay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya doorka muuqda ee ay ka qaadatay qabanqaabinta munaasabaddan heerka sare ah.

Ugu dambeyn, Danjire Jabriil wuxuu bogaadiyay Guddiga Ganacsatada Islii iyo dhammaan dhinacyadii gacan ka geystay qabsoomidda munaasabaddan, isagoo ku ammaanay doorkooda ku aaddan mideynta bulshada iyo sare u qaadidda qiimaha maalmaha qaran ee Soomaaliya.

May be an image of one or more people and text that says "8ЛE 56 A SOM 吉 SOMALA 4N"May be an image of one or more people and crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here