Hogaamiyaha KMG Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo degmada Diinsoor.

0

Diinsoor – Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta safar shaqo ku gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

 

Safarkan shaqo ayaa daaranaa u kuurgelidda xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadanimada, iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada diinsoor ee gobolka baay.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, saraakiisha amniga, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo warbixinno kaga dhageystay xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan xaaladaha deegaannada, si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo adeegyada bulshada, loona taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here