Safiirka Soomaaliya ee Azerbaijan oo ka qeybgalay munaasabad looga hadlay iskaashiga

0

Baku, Azerbaijan – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa magaalada Baku kaga qeybgalay munaasabadda 15-sano guurada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Azerbaijan (AIDA), isagoo qeyb ka ahaa dood-wadaag ku saabsan iskaashiga horumarineed iyo gargaarka bani’aadannimo.

 

Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, tiknoolajiyadda, beeraha iyo dhisidda awoodda hay’adaha.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dib-u-dhiska hay’adaha iyo kobcinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf guddoonsiiyay arday Soomaaliyeed oo ka mid ah ardayda Barnaamijka Deeqda Waxbarasho ee Heydar Aliyev ku jooga dalkaas, kaddib horumar muuqda iyo guulo la taaban karo oo ay gaareen.May be an image of dais and text that says ". ಸಿ್ರಾಡ Al AIDA TiKA AIDA AIDA ΛO TIKA TiKA masz"May be an image of dais and text that says "5爵AIDA 15 AIDA REFLECTIONS FROM INTERNATIONAL STUDENTS AND ALUMNI DALIWNIBENERTEDFROMAZERATIANSE BENEFITTEDF FROM AZERBAIJAN'S EDUCATIONAL SCHOLARSHIP PROGRAMMES AND SCHOLARSHIPROGRAMMESANDAWARD AWARD CEREMONY BAK 10 SEP MBE -026 26"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here