Addis Ababa, Itoobiya: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shir heerkiisu sarreeyo oo dalalka IGAD ay kaga arrinsanayeen diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika, kaas oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.
Shirka oo socday 15–17 Sebtembar 2026 ayaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga gobolka, gaar ahaan khataraha roobabka xooggan iyo fatahaadaha, iyadoo xoogga la saaray digniinta hore, tallaabada hore iyo isku-duwidda gobolka.
Ka qeybgalayaashu waxay ka arrinsadeen saadaasha El Niño iyo baahiyaha diyaar-garowga, iyagoo isku raacay in la xoojiyo wadaagga xogta iyo iskaashiga gobolka si loo yareeyo khataraha la filayo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shirka ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Soomaaliya ay waddo ee lagu yareynayo saameynta El Niño iyo fatahaadaha, iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga dalalka gobolka.





