Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Nairobi ku Qaabilay Saxafiyiin Soomaaliyeed oo Tababar IGAD uga Qaybgalay Machakos

0

Nairobi, Kenya – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku qaabilay saxafiyiin Soomaaliyeed oo ka qaybgalay tababar goboleed ay Urur-goboleedka IGAD ku qabatay magaalada Machakos ee dalka Kenya.

 

Tababarka oo socday 6-dii ilaa 8-dii Oktoobar ayaa diiradda lagu saaray xoojinta doorka saxaafadda, hufnaanta xogta iyo ka hortagga faafinta wararka khaldan. Waxaa ka qaybgalay saxafiyiin, khubaro hubinta xogta iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD.

Safiirka ayaa bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha saxafiyiinta, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan xilliyada geeddi-socodka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka.

Saxafiyiintii kulanka ka qaybgalay ayaa safiirka uga warbixiyay natiijooyinka tababarka iyo barnaamijyadii warbaahineed ee ay diyaariyeen intii uu socday kulanka.

Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.May be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here