Taliyaha Guutada 16-aad Danab oo Soo Xiray Siminaar ku Saabsanaa Warbaahinta

0

Muqdisho – Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo xiray siminaar ku saabsan warbaahinta, kaas oo muddo laba toddobaad ah u socday xubnaha warbaahinta ee guutada.

 

Siminaarka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta iyo xirfadaha warbaahinta, gaar ahaan hababka casriga ah ee tebinta dhacdooyinka, diyaarinta wararka, sawir-qaadista, duubista muuqaalada, maaraynta xogta iyo dhowrista hab-dhaqanka xirfadeed ee warbaahinta ciidanka.

Tababarka waxaa bixinayay macallimiin iyo khubaro ka socday Dowladda Mareykanka, kuwaas oo ka qaybgalayaasha la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta howlaha warbaahinta milatariga iyo muhiimadda ay leedahay isgaarsiin hufan oo masuuliyad ku dhisan.

Ugu dambeyn, Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa xubnaha ka qaybgalay ku boorriyay inay aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen siminaarka uga faa’iideeyaan horumarinta tayada warbaahinta ciidanka iyo gudbinta warar sax ah oo ku saabsan howlaha iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here