Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo

0

TRIPOLI – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Dowladda Liibiya Mudane Maxamed Al-Menfi.

 

Gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah astaan ugu ah bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiirka, waxayna muujinaysaa sida ay dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Safiir Cabdifataax ayaa Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada gaarsiiyay salaanta iyo bogaadinta hoggaanka Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Liibiya.May be an image of dais, the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here