Saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobolka Mudug oo maanta la burburiyay

0

Saldhiggan oo lagu magacaabo xarunta xerta Sheekh Maxamed Ragee ayaa la sheegay inay yaalleen hub iyo gaadiid dagaal oo badan, isla-markaana isku aruursanayeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay weerarka saldhiggan.

Ma jiro war madax-banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha duqeyntan, iyada oo dhinaca kale dawladaha Soomaaliya ka saacida dhinaca hawada aysan weli xaqiijin duqeyntan.

Al-shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay wajahayay dagaal saf ballaan ah oo cir iyo dhul ah, iyada oo ciidamada dowladda Federaalka oo kaashaneysa kuwa deegaanka ay ka qabsadeen degmooyin, tuulooyin iyo deeggaanno badan oo ku yaalla gobollada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here