Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay laami laga dhisayo degmada Deyniile + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo laga hirgalin doono Waddada Ciise Cabdi ee degmada Deyniile oo ka bilaabato Isgooska Ifka Xalane islamarkaana sii marta xaruntii hore ee idaacadii Hornafric.

 

Dhagax-dhigan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure iyo xildhibaano katirsan DFS, waxaana mashruuca dhismahaan qeyb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar, iyada oo la kaa shanaayo bulshada reer Deyniile.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoowaan horumarka Caasimadda iyo taageerada howlgalada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here