Saraakiil ka socota dowladda Itoobiya oo ka dagay magaalada Garoowe + Ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Wafdi ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

 

Wafdigan ayaa ka kooban xubno ka socda sirdoonka Itoobiya, milatariga dalkaas iyo saraakiil kale oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo maalmihii u dambeeyay iskaashi toos ah la sameyneysay madaxweyne Saciid Deni.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ka socda Itoobiya loo sii gudbiyay deegaano dhaca dhanka xeebta oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in booqashada wafdigan ay la xiriirto hehsiis dhinaca dhaqaalaha ah oo maalmo kahor xukuumadda Abiy ay la gashay Puntland, Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada Garoowe oo ku aadan saraakiisha ka socda Itoobiya oo maanta diyaarad gaar ah ay ka dajisay magaaladaasi.

Dhawaan madaxweyne Deni ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay caasimadda Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay madaxda saree ee dalka Itoobiya.

Booqashadaas waxaa kasii horreeyay heshiisyo ay labada dhinac ku wada gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaas oo ay ka hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala laabatay dowladda dhexe, sababo la xiriira ansixinta wax ka beddelka dastuurka, arrintaasi waxa ay sare u sii qaaday khilaafka labada dhinac oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here