Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo Socdaal Shaqo ku Tegay Pakistan

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh iyo Wafdi sare uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Wafdigan inta ay joogaan dalkaasi waxaa lagu wadaa in madaxda dalkaasi kala hadlaan: iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee ku aaddan Dhinacyada Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka & Dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.

Wafdiga Wasiirka Arrimah Gudaha XFS waxaa caasimadda Islamabad kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Pakistan Danjire Sheikhnuur Maxamed Xasan, waxaana sidoo kale safarka qayb ka ah; Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Md Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md Maxamuud Macallin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan C/laahi Kaniif.
May be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here