Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo tababar ugu ambabaxaya Masar

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Isniintii lagu qabtay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay saraakiil ka tirsan ciidanka oo tababar ugu ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Saraakiishan ayaa noqonaysa dufcadii labaad ee muddo kooban loo diro Masar si ay u helaan tababar, iyadoo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ku guda jiro dib-u-habeyn lagu tayeynayo awoodda iyo xirfadaha ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda tababarka loo siiyey, isla markaana aqoonta ay helaan uga faa’iideeyaan ciidanka marka ay dalka ku soo laabtaan.

Tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar iyo horumarinta awoodda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here