Wadahadallo u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanno Mucaarad ah oo soo dhammaaday

0

MUQDISHO — Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo xubno metelayay Xildhibaanada mucaaradka ah.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha Golaha Shacabka iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo wadajirka Xildhibaanada.

Kulanka ayaa yimid xilli Golaha Shacabka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo khilaafaadyo la xiriira habka loo wajahayo howlaha baarlamaanka.

Dhinacyada wada-hadallada ka qeybgalay ayaa ka arrinsaday sidii loo abuuri lahaa jawi fududeynaya in Xildhibaanadu si wadajir ah uga shaqeeyaan howlaha baarlamaanka iyo arrimaha muhiimka u ah dalka.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada wada-hadallada iyo qodobada la isku afgartay ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here