Saraakiisha amniga magaalada Muqdisho oo shir deg deg ah isugu yimid + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimadda iyo kor u qaadida bilicda caasimadda Muqdisho.

 

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa oo warbixino laga dhageystay Taliyaasha Boliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha Dagmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad-sugidda iyo Taliyaasha Saldhigyada Gobolka Banaadir.

U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga Caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa islaxisaabtan dhab ah oo la xiriira amniga guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here