Baydhabo — Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa taliyeyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay deegaankaasi.
Munaasabadda aas-qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka, masuuliyiin ka socotay Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa dhammaantood muujiyay murugada iyo tacsida ay la wadaagayaan qoysaska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen saraakiishii geeriyootay.
Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sheegay in saraakiisha shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo sugidda amniga deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo door muhiim ah ka qaatay dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah.
Waxa uu sidoo kale ciidamada ammaanka ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha hubeysan, isaga oo shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.
Hoggaamiye Jibriil ayaa Alle uga baryay saraakiishii geeriyootay inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoysaskooda, eheladooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.





