Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ‘isku soo dhiibay’ ciidamada dowladda

0

Cali Ibraahim oo muddo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa caafimaadka gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada Gorgor ee ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug.

Sarkaalkan oo ka yimid dhinaca degmada Ceelbuur ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo dhoweeyey deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada Gorgor ayaa weli gacanta ku haya sarkaalkan, mana cadda in loo soo gudbin doono dhinaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here