Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo duqeyn lagu dilay + Magaca

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa howlgal dhanka cirka ah oo ay xalay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Duqeyntan oo aheyd bartilmaameed ayaa ka dhacday tuulada Shabaax oo ku dhow deegaanka Ceelgaras, waxaana lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa.

Magaca sarkaalkaas ayaa waxaa lagu sheegay Olol Cali Guuleed, waxaana lala dilay afar xubnood oo kale, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa weerarkan dhanka cirka ah ku dhintay haweeney iyo afar carruur ah oo ku sugna goobta la duqeeyay.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here