Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Xamza iyo Farmaajo?

0

DOOXA (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here