Sawirro: Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay haweenka Soomaaliyeed?

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay hormuudka haweenka Soomaaliyeed ee ku jira golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo Ururada u dhaqdhaqaaqa ka qeybgalka haweenka ee arrimaha Siyaasada dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u balan qaaday haweenka Soomaaliyeed, inuu u halgami doono sidii ay xaqa ay leeyahiin uga heli lahayeen heerarka kala duwan ee dowladda, isla markana uu ka shaqaynayo sidii doorashooyinka dhawaan dhacaya ay uga heli lahayeen qoondo ku filan.

Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah madaxda Soomaaliyeed ee ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee weli ka socda Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here