Sawirro: Cali Guudlaawe oo guddoomiyey shir ay yeesheen wasiirada HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaad laha ee Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhagaystay Wasiirada Kallkuumeysiga, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyagoo Madaxweynaha wadaagay wixii u qabsoomay sedexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa golaha wasiirada la wadaagay baaxada abaaraha ee ku dhuftay deegaanada Hirshabeelle, iyo saameynta ay gaysteen.

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ayaa shirka golaha xukuumada horgeeyay Sharciga Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, waxayna golaha ka doodi doonaan kulanka xiga ee Golaha Xukuumada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada dadaalka shaqada adag ee ay hayaan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here