Sawirro: Ciidamo cusub oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta tababar usoo xiray ciidan ka tirsan daraawiishta booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo uu muddo tababar uga socday dalka Jabuuti.

 

Tababarkaan oo mudo ka socday Dalka Jabuuti ayaa waxaa kaalin ka geystay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti, ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa ka tirsan Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, waana dufcadii 20-aad.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ciidankaan cusub tababarka u soo xiray ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar-adeyga ay muujiyeen ciidankaan mudadii uu socday tababarkaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here