DF oo doonyo sida shixnado gargaar ah u dirtay Jubbaland iyo Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa laba Doonyo oo sida shixnado gargaar ah u kala dirtay deegaanada dowlad-goboledyada Puntland iyo Jubbaland.

 

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa galabtii doonyahaan ka sagootiyey dekedda Muqdisho

Gargaarkaan raashinka ah ayaa loo diray bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka jirto xaalado bani’aadanimo oo adag, taas oo ka dhalatay daadad ka dhashay cimilada El Niño.

Waa gargaarkii labaad ee loo diro Jubaland oo ka mid ah Dowlad-Goboleedyada dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay daadadka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here