Mareykanka oo war kasoo saaray guusha laga gaaray deyn-cafinta Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa si wayn usoo dhawaysay guusha Soomaaliya ka gaartay deyn cafinta kadib markii laga dhaafay $4.5 bilyan oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah dib usoo kabashada dalka oo in ka badan 30 sano colaad iyo nidaam darro kusoo jiray.

 

Iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa qeyb ka qaatay deynta-cafinta ay ku dhawaaqeen Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF, sida lagu sheegay war qoraal ah oo safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ku baahisay baraheeda bulshadda.

“Horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dowladnimada, dhismaha hay’adaha qaranka, iyo horumarinta dhaqaalaha waa mid ammaan mudan. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno taageerada aan siineyno Soomaaliya si ay kor ugu qaado awooddeeda ay ugu adeegayso dadkeeda,” ayay tiri safaaradda.

Dhanka kale, IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa bogaadiyay u hoggaansanaanta dowladda ee shuruudaha deyn-cafinta, xilli uu dalka Soomaaliya wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa Covid-19 iyo khataraha amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadaalka dowladihii kala duwanaa ee dalka, ay sameeyeen 10kii Sano ee la soo dhaafay uu gacan ka geystay in heerkan lasoo gaaro, waxaana Madaxweynaha uu tilmaamay in ay ku dadaali doonaan deyn kale in aan dalka la gelin, taasoo caqabad ku noqon doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here