Sawirro: Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo kulan la yeeshay James Swan

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Cabdi Xaashi iyo James Swan ayaa ka wada hadlay dhameystirka doorashooyinka ka socda dalka, gaar ahaan mida madaxweynaha.

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo shirar siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiradda lagu saarayey xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here