Sawirro: Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, qeybna ka yihiin Wasiiradda Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Galmudug, Agaasimaha Waaxda Gargaarka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubaland.

 

Ujeedka Wafdigaan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Gargaarka Dalka oo Maalinta isniinta ah ka furmaya Magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka qeybgalayeen,Raisul wasaare ku xigeenka Dalka, Gudoonka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ,Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada, Gobolka Banaadir iyo wakiilada beesha caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Axmed Xasan Cumar ayaa garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo ku soodhaweeyey wafdigaan.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here