Sawirro: Guddoomiye Yabooh oo la kulmay saraakiisha amniga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caadimadda ee Military Police.

 

Yaboob ayaa saraakiishan ka dhageestay warbixina la xariira xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada iyo guulaha laga gaaray howlgalada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yabooh ayaa ku bogaadiyay  ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku amaanay ciidanka  sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha amniga la xariira.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here