Maxkamadda G/Banaadir oo mar kale u fariisatay dacwad loo heysto 36 ajaaniib ah

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhageysatay dacwad loo heysto ajaaniib kalluumeysato ah oo iyaga oo si sharci darro ah uga kulluumeysanayay xeebaha Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka Badda.

 

Xeer ilaalinta qaranka oo raggan horgeysay maxkamadda ayaa ajaaniibtan ku eedeysay inay kusoo xad-gudbeen biyaha Soomaaliya, isla-markaana, ay wadeen kalluumeysi sharci darro ah, ayada oo dowladda federaalka ay kala wareegtay kalluunka sharci darrada ah.

Sidoo kale xeer iaalinta ayaa ka dalbatay Maxkamadda Gobolka Banaadir inay dadajiso kiiskan, si tallaabo adag oo sharciga waafaqsan looga qaado ajaaniibtan oo kasoo jeeda waddada Iran iyo Pakistan, isla-markaana laga soo qabtay xeebaha degmada Hobyo.

Eedeysanayaasha ayaa muteysan kara ganaax ama xabsi, oo ayay usii dheer tahay masaafurin, waa haddii ay maxkamaddu ku hesho dambiga lagu soo oogay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay iibisay kaluunka ay sida darrada ah ay ula soo baxeen ajaaniibta maanta markale dacwaddooda ay u dhageysatay Maxkamadda Gobolka Banaadir, kuwaas oo iyagana haatan wajahaya maxkamadeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here