Sawirro: Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay degaano laga xoreeyay Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Maanta oo jimco ah waxay deeq Mucaawino Gargaar ah u dirtay Magaaloyinkii dhawaan laga xoreeyey xubmaja Al-Shabaab.

Gaadiidkaan wada deeqdaan mucaawinada ah ayaa gaaraya 25-Gawaari oo ah kuwa qaada Xamuulka,waxaana keydka ama Baqaarka xarunta hay’adda SoDMA warbaahinta kula hadlay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.

Gargaarkaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana hore hay’adda ugu soo wareejiyey Dowladda aan Walaalaha nahay ee Imaaradka Carabta, waxaana haatan lagu wadaa in la gaarsiiyo degaanadii Al-Shabaab laga saaray Bulshada ku nool oo dhibaatooyin adag ay wajahayaan.

Hay’adda SoDMA oo fulinaysa awaamiirta madaxda dalka ayaa hore u ballan qaaday in deegan iyo tuulo walba oo Al-Shabaab laga xoreeyo ay gaarsiin doonto raashin, daawo iyo dhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here