Sheekh Aadan Madoobe oo war cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa   hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka Qaranka ee furimaha dagaalka ku sugan, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale hambalyo u jeediyay Xildhibaanada qaranka ee ku maqan furimaha dagaalka, isla-markaana dhiirigalinaya ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku baaqay in dowlad goboleedyada ay u istaagaan ka qeybgalka baabulka ku aadan wajiga labaad ee Al-Shabaab  looga saarayo gudaha dalka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan  ciidamada,isla markaana ay ka qeybgalaan dhameystirka dagaalka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here