Sawirro: Hay’adda SoDMA oo raashin ka qaybisay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta 400 oo qoys oo ku nool magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed gaarsiisay deeq raashin ah, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka ElNiño ee dhowaan halkaasi ku dhuftay.

 

Dadka iyo qoysaska raashinka loo qeybiyay ayaa ka koobnaa kuwo danyar ah iyo dadka jilicsan sida, naafada ,haweenka , wayeello, kuwaas oo laga soo kala xulay xaafadaha iyo xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Qoysaskan ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka uga mahad celiayay deeqda la gaarsiiyay, waxaana qeybinta deqda goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala tirsan SoDMA iyo Maamulka Magaalada Baydhabo.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here