Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagu aasay magaalada Cadaado

0

CADAADO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaaad Cadaado lagu aasay, Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo xalay aano qabiil loogu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

 

Labada marxuum ayaa ahaa ganacsato si weyn looga yaqaanay Galmudug, wuxuuna dilkooda dhaliyay caro, ayada oo maamulka loogu baaqay inuu soo qabto dambiilayaasha.

Aaska loo sameeyay marxuumiinta waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo goobta ka hadlay, waxaana kamid ah guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado iyo xildhibaan Canab oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaas oo tacsi u diray ehellada Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil.

Sidoo kale waxa ay codkooda ku biiriyeen in lasoo qabto maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaasi oo goobta ka baxsaday.

Dilka loo gaystay labada ganacsato ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta gobolka Galgauud.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii illaa 45 kiilo mitir u jira magaalada Dhuusamareeb.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here